Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Dhuusa-mareeb ? (Sawirro)

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiirada Amniga iyo Gudaha ee Xukumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlaamka Soomaaliya Siyaasiyiin,iyo dadweyne.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf,waxaana lagu wadaa in uu caawa Madaxweyne Farmaajo  uu soo afjaro shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb.