Video+Sawiro:-Madaxweyne Deni “464 Million ayaa lagu Maal-gashanaya Puntland Saddexda sanno ee soo socota”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xidhay shirka maalgashiga Puntland, Madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay arrimaha maalgashiga, waxaa uu xusay in shacabka Puntland iyo Dowladdooduba sharaf u tahay in shirku kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyey.

“Runtii aad iyo aad bay Dowladda Puntland, shacab iyo Xukuumadba sharaf ugu tahay in shir noocan ah uu ku qabsoomo sidii loogu talagalay oo uu ku socdo wakhtigiisii oo ay kasoo baxaan wixii loogu talagalay inay kasoo baxaan, aad baan ugu mahdcelinayaa intii kasoo shaqaysay oo ay ugu horeeyaan ciddii u xilsaarnaa qaban-qaabada shirkan iyo dhammaan hay’addaha dowladda oo kala shaqeeyey shirka. Shirkan dowladda Puntland uma aysan kala hadhin, ciidan, shacab iyo masuuliyiinba”.

“Shirkan keliya ma ahayn Maalgashi waxaa kujirey sidoo kale in dhaqanka iyo dabeecadda dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland aan wax ka bedelno oo tusino in dadku kala shaqaystaan, 60-kii sano ee lasoo dhaafay dowladnimada Soomaaliya si khaldan ayaa loo bartay, dad dhallinyaro ah oo wax soo bartay inay dowladda u shaqeeyaan waxaa ku kalifaaya aragti siyaasadeed oo uu iska leeyahay maruu dhashobo, lakiin waxaan idiin sheegayaa ra’yigaasi mid sax ah ma aha, anigu ganacsiga 10 jir baan ku bilaabay waxkasta oo ganacsi ahna waan ka shaqeeyey intiisa badan, iskuma xidhna inaad hadaf aan leedahay xaqiijisid inaad dowladda u shaqaysid, waa wax wanaagsan in la abuuro fekred wax tarleh, waan ka mahadcelinayaa in shirkadda DHOWEEYE ay u shaqeyaan 7, 000 oo qof “Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay maalgashi Puntland ka samaynayaan ganacsato Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo shirkan qayb ka ahaa.

“Waxaan rabaa inaan idiin dulmaro dadka goostay in sadexda sano ee Soosocda ay Puntland maalgashtaan waxay wadartoodu dhantahay 464 Million shirka ayaa laga dhaxlay in dadku ogaado, dowladduna ogaato qorshaha maalgelintaas, waxaan arkay intaan shirkan joogney oo aan la kulmaayey martida laba qof oo markii ugu horaysey Africa timi, gaar ahaan Puntland yimid, waxaa sababay inay yimaadaan muhiimadda shirkan, waana dhicikartaa dadkale inay jiraan oo aanan ani arag” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland si buuxda ugu diyaar garoobayso maalgashi caalamiya oo waxbadan kusoo kordhiya Puntland, waxa uu xaqiijiyey in dedaalka ugu badan lagu bixinaayo ka sifaynta dalka Ar-gagixisada, waxaana uu ugu dambayn furay Shirka maalgashiga Puntland oo soconaayey muddo sadex cisho ah,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka