Maxay tahay Ujeedada Socdaalka Taliyaha Sirdoonka Angola ee Muqdisho ?

Taliyaha Ciidanka Nabad suggid iyo Sirdoonka dalka Angola ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana uu la kulmay taliyaha Ciidanka NISA.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Bogga Twiterka NISA ayaa lagu shaaciyay in labadda taliyaha ay ka wada hadleen Sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta iyo sidoo kale sidii dowladda Angola ay Soomaaliya uga faaideysan laheyd la dagaalanka Argagixisadda.

NISA@HSNQ_NISA

Taliyaha Siradoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, oo booqasho rasmi ah kuyimid magaalada Muqdisho ayaa lakulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay ladagaalanka argagaxisada.616:49 PM – Sep 17, 2019Twitter Ads info and privacy29 people are talking about this