Axmed Karaash oo ka qeyb-galay Shirka Ciribtirka Nafaqo darida Puntland (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay shirka dhaq-dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland, kaasoo sadexdii bilood mar la qabto.

Shirkan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay wasiirada Wasaaradaha barnaamijkan bahwadaagta la ah iyo hay’addaha qaybta ka ah mashruucan kor uqaadista nafaqada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Ahmed Cilmi Cimaan oo shirka furay ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirkaan, waxaana uu xusay in loo baahanyahay in laga mira dhaliyo mashruucaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa daneeyaasha mashruucaan usoo jeediyay in si ugu wanagsan looga shaqeeyo ka hortaga nafaqa darida, waxaana uu tilmaamay in arintaasi dowladda ay ka go’an tahay sidii ay wax looga qaban lahaa, hay’ada qaybta ah ku ayuu booriyay inay kor u qaadaan arimaha nafaqaynta ee ka wadaan deegaanada Puntland.