Madaxweyne Deni iyo Ganacsatadii ugu badneyd oo u duulay Garacad (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Wafti balaaran oo hoggaaminayo ayaa ku wajahan Degaanka Garacad ee Gobalka Mudug.

Madaxweyne Deni oo waftigiisa ay kamid yihiin Ganacsato iyo Maal-qabeeno Soomaali iyo Ajaanib ah, ayaa Goor-dhaweyd ka amba baxay Garoowe, iyadoona la filayo inay gaaraan Degaanka Garacad.

Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Ganacsatada ayaa ah sidii Ganacsatada loo soo tusi lahaa Dhismaha Dekedda Degaanka Garacad oo si isku tashi ah ay u dhisanayaan Shacabka Puntland oo garab ka helaya Dowladooda iyo in Ganacsatada lagu dhiiri-geliyo Maal-gashiga Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa daah-furaya Wajiga labaad ee Dhismaha Dekedda Garacad oo ah mid lagu dhisayo Gunta Badda, maadama lasoo gaba-gabeeyay Wajigii hore.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka socota Degaanka Garacad, oo saacadihii lasoo dhaafay ay buux dhaafiyeen Wafuud Heer sare ah.