Madaxweyne Deni oo gaaray Degaanka Garacad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo hoggaaminaya maalgashadayaal isugu jira Soomaali iyo ajaanib ayaa gaaray deegaan xeebeedka Garacad ee Gobalka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degaanka Garacad, Iyadoona boqolaal Shacab ah ay isugu soo baxeen waddooyinka iyo Bartamaha Degaanka Garacad.

Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Ganacsatada ayaa ah sidii Ganacsatada loo soo tusi lahaa Dhismaha Dekedda Degaanka Garacad oo si isku tashi ah ay u dhisanayaan Shacabka Puntland oo garab ka helaya Dowladooda iyo in Ganacsatada lagu dhiiri-geliyo Maal-gashiga Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa daah-furaya dhismaha Wajiga labaad ee Dekedda Garacad oo ah mid lagu dhisayo Gunta Badda, maadama lasoo gaba-gabeeyay Wajigii hore.

Safarka Madaxweyne Deni ee Degaanka Garacad ayaa daba socda Shirweynaha Maal-gashiga Puntland oo shalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Garoowe ee Dowladda Puntland, kaas oo ahaa shirkii ugu horeeyay oo noociisa ah ee lagu qabto Soomaaliya.