Sacuudiga oo ka codsaday Kuuriyadda Koonfureed inay ka caawiso difaaca Hawada

In this Nov. 11, 2015, photo, Saudi Arabian Deputy Crown Prince Mohammed bin Salman attends a summit of Arab and Latin American leaders in Riyadh, Saudi Arabia. Saudi Arabia said Tuesday, Dec. 15, that 34 nations have agreed to form a new "Islamic military alliance" to fight terrorism with a joint operations center based in the kingdom's capital, Riyadh. Mohammed bin Salman said the new Islamic military coalition will develop mechanisms for working with other countries and international bodies to support counterterrorism efforts. (AP Photo/Hasan Jamali)

Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman ayaa ka codsaday Korea-da Koonfureed inay ka caawiso xoojinta habka difaaca hawada dalkiisa, kadib weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaas.

Wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap oo warkan werisay ayaa sheegtay in Bin Salman iyo mas’uuliyinta Seoul ay isku raacaan inay sii wadan wada-tashiyada la xiriira arrintan.

Weeraradii sabtidii lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh, ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, hase yeeshee Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa tuhmaya iran.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in maanta ay baahin doonta caddeymo Tehran la xiriirinaya inay ka dambeysay weeraradas.

Hase yeeshee Tehran ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarkii 14-kii September.

“Waxay doonayaan in cadaadiska ugu xoogga badan ay saaraan Iran, ayaga oo aflagaadeenaya” waxa asidaas yiri madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

“Ma dooneyno dagaal…yaa billaabay dagaalada gobolka” ayuu yiri Rouhani oo Washington iyo xulufadeeda ku eedeeyey dagaalka ka socda Yemen.