Sidee Madaxweynaha Puntland loogu soo dhaweeyay Degaanka Garacad ? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo hoggaaminaya maalgashadayaal isugu jira Soomaali iyo ajaanib ayaa gaaray deegaan xeebeedka Garacad ee Gobalka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degaanka Garacad, Iyadoona boqolaal Shacab ah ay isugu soo baxeen waddooyinka iyo Bartamaha Degaanka Garacad, kuwaas oo ku dhawaaqayay Erayo ay ku muujinayaan dareenkooda iyo Boorar lagu xardhay astaamaha Kheyraadka iyo Ilaalinta Degaanka oo Dhulkaas caan ku yahay.