VIDEO: Masuuliyiinta iyo Odayaasha dhaqanka Jubbaland oo kulan yeeshay

Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, xildhibaanada baarlamaanka jubaland, Golaha wasiirada jubbaland iyo madaxweyne ku xigeenka koobaad ee jubaland ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo.

Kulanka oo saxaafadu dibad joog ka ahayd intuu socday ayaa waxaa logu bogaadiyay howlagaladii udanbeeyay ee ciidamada daraawishta jubbaland iyo kuwa xooga dalka ay ka sameeyeen isla markaana ay ku xoreeyeen deegaano hoos yimaado degmada jamaame.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu canbaareeyay xariga wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan u geysatay dowlada federalka ee soomaaliya.

Kulanka ayaa markuu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbxiyay waxyaabihii looga hadlayay madaxweyne ku xigeenka koobaad ee jubbaland Maxamud Sayid Aadan.