Wararkii ugu dambeeyay ee Qarax xooggan oo Caawa ka dhacay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegaya in Qarax xooggan uu caawa fiidkii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaaladadaas.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo laga maqlay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, uu ahaa mid la dhigay wadada dhinaceeda.

Warar ayaa sheegaya in qaraxan oo ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto ee Wadada Maka al-Mukarama, lala beegsaday gaari uu lee yahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka la weeraray oo magiciisa lagu sheegay C/qaadir Carab ayaa ka bad-baaday Qaraxa, balse waxaa jira khasaare soo gaaray Ilaaladiisa iyo Dad wadada marayay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta ayaa xiray wadada,waxaana ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay Qaraxan.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.