Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo Qarax lagula eegtay Buuraha Golis

3-ka mid ah Ciidanka Badda Puntland (PMPF) ayaa ugeeriyooday Qarax miino oo dhulka loogu aasay meel ujirta 40-Km Bali-Khadar.

Afar kale,ayaa ku dhaawacmay qaraxaas miinada dhulka lagu aasay ah,waxaana gubtay Gaarigii ay saarnaayeen Ciidanka.

Qaraxa,ayaa dhacay saakay aroortii saacadu markay ahayd 8:10.

Kooxda argagixisada Alshabaab,ayaa lagu tuhmayaa qaraxan in ay maleegeen.

Ciidamada Puntland qaybahooda kala duwan waxay dagaal joogta ah kula jiraan argagixisada.