Axmed Madoobe oo la caleemo saarayo iyo Wafuud kusii qulqulaysa Kismaayo

Maalinka Sabtida ah ee nagu soo aadan,ayay wafuuda ka qaybgalaysa caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe intooda badan kusoo xaroon doonaan Magaalada Kismaayo.


ilaa iyo hada waxaa gaaray kismaayo Wafti uu hogaaminayo Xildhibaan Faarax Sh.Cabdiqaadir.


Waxaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan caleema saarka Madax fara badan oo ka kala imaanaya qaybaha Somaliya.


Sidoo kale beesha caalamka Wakiilo ka socda,ayaa qorshaysan in ay kasoo qaybgalaan caleema saarka.


Madaxda qorshaysan in ay caleema saarka ka Madaxweyne Axmed Madoobe kasoo qaybgalaan,waxaa ka mid ah..


1.Madaxweynaha Puntland
2.Madaxweynihii hore Xasan Shiikh.
3.Madaxweynihii hore Sh.Shariif
4.Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanada Fadaraalka iyo Puntland
5.Wakiilo ka socda beesha caalamka.


Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa dhici doona 26-ka bishan.


Dhanka kale Shirka Golaha Wasiirada Jubaland ee Khamiislaha ah,ayaa maanta waxaa kasoo baxay go’aamo culus oo lagu xakamaynayo dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta diidan dib doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe.


Kulanka ugu horayn waxaa loogaga hadlay arimo kala duwan,gaar ahaan nabadgalyada,iyadoo la isku raacay in dhamaan shirarka iyo kulamada aan ruqsad la’aanta ah aan lagu qaban karin Magaaalada Kismaayo laga bilaabo 20-bishan Sept.waxaana la faray ciidanka ammaanka in ay muujiyaan feejignaan buuxda.


Go’aamadan waxay soo baxayaan,iyadoo aysan soo afjarmin wada xaajoodkii usocday Dowlada iyo Seeraar,sidoo kale wali uu Magaalada ku sugan yahay isagoo sheeganaya Madaxweyne Cabdiarshiid Xidig.