Ciidanka Dowladda oo Qaraxyo fashilayay (Sawirro)

Ciidanka Booliska Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay ku guuleysteen inay fashiliyaan Miino lagu Aasay bartamaha wadada ka baxda Baladweyne ee Aada Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ee wadadaasi mara ay Ciidamada kusoo wargeliyeen Miinada wadada bartankeedalagu aasay,isla markaana Ciidamada Booliska Baladweyne qeybta Miina baarista ay soo saareen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay ugu dambeyn qarxiyeen miinadaas, iyada oo aan cidna waxba ku noqon,sida uu sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaa in howlgal ay sameeyeen Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Ruux looga shakisan yahay in uu ahaa qofkii miinada Goobta ku aasay,wallow saraakiisha Ciidamada aysan wax faah faahin ah ka bixin.