Video:-Golaha Wasiirada Jubbaland oo ku dhawaaqay Go”aano culus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 19 September 2019 shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada.

Kulanka ayaa ugu horayn lagaga hadlay arimo kala duwan gaar ahaan nabadgalyada waxaana la isku raacay in dhamaan shirarka iyo kulamo ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin Magaaalada Kismaayo laga bilaabo 20 bishan Sept, iyadooona la faray ciidanka ammaanka inay muujiyaan feejignaan buuxda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay howlaha ay hormuudka ka tahay Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ee la xiriira dhamaynta tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxweynaha ee 22 Ogoosto ka dhacday Jubbaland iyadoo la bogaadiyay sida howlahaas ay Wasaaradu ilaa hada u wado guulaha badana looga gaaray.

Ugu danbayn waxaa la isku raacay in xaalado dhinaca Nolosha ah ay ka jiraan deegaanada Jubbaland kuwaas oo u baahan gurmad deg deg ah waxaana la faray dhinacyada ku shaqada leh inay warbixino dhamaystiran ka keenan oo lagu howlgalo.

Go’aanadaan kasoo baxay Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magalada Kismaayo ay ku sugan yihiin Xubno musharixiin ahaa,isla markaana kasoo horjeeda doorashadii ka dhacday Axmed Madoobe,sidoo kalena maalin kasta shirar ku qabsada Kismaayo,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka