Guddiga KMG ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Baarlamaanka Puntland (Sawirro)

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo howla shaqo u joogo Magaaladda Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Mudane C/Xakiim Moxamed Axmed {Dhoobo} iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda.

Guddiga ayaa u sharaxay gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland iyo Guddiga joogtada cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka qaranka.

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng.carab ) ayaa kaga mahadceliyay guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo guddiga joogtada ah sida wanaagsan ay u dhageysteen sharaxaadii ay guddiga ay ki bixiyeen Cutubyada uu ka gooban Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiim Maxamed Axmed {dhoobo} ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka kaga mahadceliyay sharaxaada ay ka siiyeen cutubyada uu ka gooban yahay sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland ayaa ku balamay in ay mar kale ay dib u kulmaan si ay guddiga ugu soo bandhigaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka.