Jubbaland oo sheegtay in Dowladda Federaalka duulaan ku tahay Kismaayo (Akhriso)

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Amniga,Siyaasada,Abaaraha iyo baaq ku socda Beesha Caalamka.

War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 18/9/2019 ayaa waxaa marka hore looga hadlay dilalkii ugu dambeeyay oo qaarkood ay sheegteen Al-Shabaab,isla markaana ka dhacay degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa looga hadlay doorashadii ka qabsoontay Magalada Kismaayo 22/8/2019, iyada oo la sheegay in doorashadaas ay u dhacday si xor iyo xalaal ah,isla markaana cidkasta oo tabasho qabto ay soo dhaweeyaan.,waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday Go’aankii xayiraada ahaa ee la saaray Garoonka Kismaayo iyo dhibaatooyinkii ka dhashay.

Ugu dambeyn War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu soo geba-gabeeyay in xilligaan abaar daran ay ka jirto deegaannada Jubbaland loona baahan yahay in dadka loo gurmado,waxaa sidoo kale baaq ka kooban Saddex qodob loo diray Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya, iyada oo dowladda Federaalka lagu eedeeyay inay dagaalo ka abaabuleyso Magalada Kismaayo.