Muqdisho: Boqalaal kamid ah Darawalada Gaadiidka Dadweynaha oo banaan-bax wada

Boqolaal ka mid ah darawalada gaadiidka BL-ka ayaa saaka ku dhawaaqay shaqo joojin, iyagoo isugu soo baxay wadada Wadnaha, gaar ahaan Isgoyska Afarta Jardiino, waxaana ay xireen wadada.

Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka ayaa sheegay in lagu soo rogay inay bixiyaan lacag gaareysa 100 kun oo shilin soomaaliya, waxaana ay tilmaameen in aysan bixin karin, horayna maalin walba looga qaadayay lacag dhan labo dollar.

Sidoo kale, darawalada gaadiidka ayaa sheegay in horay ay u qabeen dhibaatooyinka waddooyinka xiran ee magaalada, haatan loogu sii daray lacago dheeraad ah oo canshuur ahaan lagu soo rogay.