VIDEO: Madaxweyne Deni oo baaq u jeediyay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah inay ka qeyb-qaataan Maal-gashiga Dekedda Degaanka Garacad iyo goobaha Kale ee muhiim ah ee Dalka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dekedda Garacad ay tahay Il-dhaqaale oo qeyb ka qaadan doonta Hormarka iyo Shaqo abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Ku nool Mandiqada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ku dhiiri-geliyay Bulshada Puntland inay xoojiyaan ammaanka iyo Midnimadooda, kuwaas oo uu sheegay inay u horseeday Hormar iyo Hiigsi dheer, una soo jiiday indhaha Caalamka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid C/llaahi Deni, ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu shalay dhagax-dhigayay Wajiga Labaad ee Dekedda Garacad, oo ah mid si isku-tashi ah ay u dhisanayaan Shacabka Puntland iyo Dowladooda.

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.