Kacdoon ka dhan ah Madaxweyne Al-Sisi oo ka bilowday Masar

Ciidanka Booliiska dalka Masar ayaa xabsiga dhigay boqolaal ka mid ah dadkii hogaaminaayay Banaanbaxyo waa weyn oo xalay ka bilowday Magaalada Qaahira iyo sidoo kale meelo ka mid ah dalkaasi.

Ciidanka Booliska sidoo kale  waxa ay  isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayal isugu soo baxay magaalada Qaahira.

Dibadbaxayaasha ay ka jawaabayay eedeeyn musuqmaasuq oo loo soo jeediyay dowladda madaxwayne Sisi.

Kacdoonka Cusub ee Shacabka Masar.

Waa dibadbaxii ugu horreeyya ee Masar ka dhaca tan iyo intii uu xukunka la wareegay madaxwayne Cabdul Fattax al-Sisi 2014.

Waxaa taagan cabsi weyn oo ku aadan in banaanbaxyadda ay sii socdaan , islamarkaana ay ka bilowdaan meelo hor leh oo ka mid ah dalka Masar.

Ganacsade reer masar ah islamarkana ah jilaa, Moxamed Cali, ayaa muuqaalo is xig-xiga oo uu ku baahiyay baraha bulshada waxa u ku eedeeyay madaxwayanha Masar in malaayiin doolar uu ku lumiyay dhismooyiin kuwa raaxadaa ah iyo huteelo xilli ay malaayiin reer Masar ah ku nool yihiin faqri.