Kenya oo diyaarado dagaal kasoo iibsatay Mareykanka

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ku dhawaad 10 diyaaradood oo nooca dagaalka ah ay ka soo iibsatay dalka Mareykanka, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Kenya oo sheegtay in diyaaradahaasi ay dhowaan tegayaan dalkaasi.

Sidoo kale wasaaraddu waxa ay sheegtay in dowladda Mareykanka ay u tababari doonto duuliyeyaasha kaxeyn lahaa diyaaradahaasi.

Warka ka soo baxay wasaaradda difaaca Kenya ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradahaas saldhig looga dhigayo garoonka ciidanka Cirka Moi ee magaalada Mombasa, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab.