Madaxweynaha Puntland oo fashilayay Shir ka dhici lahaa Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa iska diiday marti-qaad uu u soo diray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku aadana inuu kazoo qeyb-galo shir looga hadlayo xaalada dalka, hor-dhacna u ah Shirweynaha Belgium ee Arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa Shuruud adag ku xiray ka qeyb-galka Shirkanb Muqdisho ka dhacaya, isagoona dalbaday inuu kazoo qeyb-galo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), kaas oo dib loogu doortay Doorasho kismaayo ka dhacday 22-kii, August,2019.

Ilo-wareedyo katirsan Madaxtooyadda Puntland ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Idil News, in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu ka dhaga adeegay dalabka Madaxweyne Deni, taas oo sababtay inuu iska diido Madaxweynuhu inuu tago Magaalada Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa ku xirtay Dowlada Fadaraalka in Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ay kasoo wada qaybgalaan shirka Muqdisho, kaas oo hor-dhac u ah Shirka Belgium ee “Somali Partner”

Madaxda Dowlada Fadaraalka ayaa qorsheynayay in Shirkan ay ka qeyb-galaan Maamulada Hir-shabelle iyo Koonfur-Galbeed,isla markaana si dhakhso ah ay ugu soo saaraan hogaaminta Galmudug Musharax Qoor-qoore, Sidoo kale Puntland ay si uun ku qanciyaan,halka Jubaland ay ku talagaleen in ay is ka takooraan Shirka, taas oo ay Puntland riday Rajadeeda.