Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddiga diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cisman Karaash, ayaa xalay la kulmay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

kulanka ay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka la yeesheen Guddiga, ayaa ay guddigu la wadaageen sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa kaga mahadceliyay guddiga sida wanaagsan ay ugu sharaxeen sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Ugu dambeyntii kulanka ay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeenku la yeesheen guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa ku soo dhamaaday si wanaagsan.