Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixaya Sharci muhiim ah

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiiso Munaasabad ka dhacaysa madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay Warkaan waxaana ay sheegtay in Sharcigaan uu muhiim u yahay dhismaha dalka.