Maxaa ka jira Mooshin ka dhan ah Gudoomiye Dhoobo in uu socdo?

Warar hoose oo la isla dhexmarayay ber yahan,ayaa tilmaamayay in Mooshin xilka qaadis ah oo ka dhan ah Gudoomiye Dhoobo uu socdo abaabulkiisa.

Wararka qaar waxay sheegayeen in Mooshinka laga soo abaabulay Madaxtooyada,waxayna cuskanayaan ka maqnaanshihii Gudoomiyaha ee dhawr kulan oo muhiim ahaa.

Sidoo kale waxay cuskanayaan tagidiisa Xamar oo soo badatay.

Warar kale,ayaa iyaguna leh Mooshinka waxaa wada garabkii Xildhibaanada ee Asad Cismaan iyo Musharaxiintii kale waxayna ka caroodeen Gudoomiyaha oo Madaxtooyada ku milmay.

Dhamaan wararkaas markaan dabagalay ma noqon kuwo run ahaanshahoodu dhaboobay,waxayna Xildhibaano miisaan ku leh Baarlamaanka iisheegeen in uusan jirin wax Mooshin ah oo xiligan socda.

Gudoomiyaha iyo Madaxtooyaduna waxay ii xaqiijiyeen in uusan jirin wax madmadow ah oo dhexyaal labadooda dhinac.