QM oo baaq u dirtay Shacabka Soomaaliyeed (War-saxaafadeed)

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeybqaataan joojinta colaadaha iyo wax walba oo ka qeyb qaadan kara qalalaasaha horay u ragaadiyay dalka, isagoo kula dardaarmay dhiirra gelinta nabadda.

War-saxaafadeedka Swan ayaa lagu soo beegay maalinta nabadda caalamka oo ku asteysan maanta, isagoo sheegay in maalintani ay muhiim u tahay joojinta toogashada,qaraxyada ay ku hoobanayaan dadka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka James Swan ergayga QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa u qornaa sidaan:-

“Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha. Nabad waarta  waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Xoghayaha-Guud QM James Swan.

“Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan  go’aankooda ah inay  kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.

Golaha loo Dhanyahay ee Qaaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in Maalintaas loogu dabaal-dego [munaasabado] waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda.