Kulan u dhexeeya Madaxweynayaashii Hore ee DFS iyo Xisbiyada oo ka socda Muqdisho (Sawirro)

Kulan albaabadu u xiran yihiin ayaa haatan Magaalada Muqdisho uga socdaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Xisbiga Ilays C/qaadir Cosoble iyo xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa daba socda dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee lagu xanibay diyaarad u qaadi laheyd Madaxweyne Sheekh Shariif Magaalada Kismaayo, isagoona lagu lafa-gurayo Talaabadaas iyo xaalada Guud ee Dalka oo haatan mareysa meel xasaasi ah.

Sidoo kale, Kulanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu sii xoogeystay khilaaf Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo xubno ka ah nidaamka Federaalka, laguna tilmaamo kuwo sida dhabta ugu dhaqma nidaamka Federaalka.

Tallaabadii saaka lagu xanibay diyaaraddii Sheekh Shariif u qaadi laheyd Kismaayo ayaa ka dhashay xaalad, waxaana taasi ay keentay in kulan degdeg ah ay qaban qaabiyaan Xisbiyada siyaasadda oo looga arrinsanayo qaabka loola dhaqmay Madaxweyne hore.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.