Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofaya maanta Mareykanka iyo Su’aalo horyaalla

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah inay  u amba-baxayaan dalka Marykanka, si ay uga qayb galaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”

Wafdiga Dowladda iyo Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya Meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu u sii gudbo Magalada Washington,halkaas oo machadka American inter press institute uu ugu qaban doono madal lagu weeydiin doono 10 Su’aalood oo ku saabsan dhinacyada, amniga, dhaqaalaha iyo Siyaasada iyo waxyaabihii u qabsoomay inta uu xilka haayay iyo qorshihiisa markii uu xilka ka dego.