Maxaa looga hadlaya kulanka haatan u socda Madaxweynaha Puntland iyo Saraakiisha Imaaraadka Carabta ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa haatan Shir kula leh Madaxtooyadda Magaalada Boosaaso Wafti heer sare ah oo ka socda Dowladda Imaaraadka Carabta.

Shirka oo ah mid si gaar ah ugu dhexeeya Madaxweyne Deni iyo Saraakiisha Imaaraadka Carabta u qaabilsan Taageerada Ciidanka Badda Puntland ayaa loo hadlayaa Khilaafka u dhexeeya Saraakiisha Imaaraadka iyo Shirkadda PDG ee gacanta ku heysay mudada dheer Qandaraasyada Cunada ee Ciidanka Badda.

Shirkan ayaa si gaar ah diirada looga saarayaa xalinta Khilaafka Shirkadda PDG iyo Saraakiisha Imaaraadka oo Lixdii bilood ee ugu dambeeyay taagnaa, kaas oo ka dhashay kaddib markii Saraakiisha Imaaraadka ee gacanta ku haya Taageerada Ciidanka Badda Puntland ay ku eedeeyeen Masuuliyiinta Shirkadda Musuq-maasuq, ayna hakiyeen Qandaraasyadii ay qaadan jirtay.

Shirkadda PDG ayaa ah midey lee yihiin Ganacsato, Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin katirsan Dowladda Puntland, kuwaas oo heystay Qandaraasyada Cunooyinka iyo Adeegyada kale ee Ciidanka Badda Puntland ee PMPF-ta tan iyo markii la aas aasay.

Ciidanka Badda Dowladda Puntland ayaa ah kuwo muhiim u ah Puntland, waxaana ay qeyb ka yihiin Difaaca iyo Xoojinta ammaanka Guud ee Degaanada Puntland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inuu qaabilo Wafuud kale oo ka socota Imaaraadka Carabta, ayna kamid yihiin Masuuliyiinta Shirkadda DP World ee dhisaysa Dekedda Boosaaso iyo Saraakiisha Sirdoonka Dalkaas.