VIDEO: Puntland oo amar adag dul-dhigtay Suxufiyiinta ka howlgalla Degaanadeeda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey), oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa shaaciyay shuruud adag oo la hor-dhigayo suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland.

Wasiir Sabareey ayaa amar ku bixiyay in dhammaan suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland ay iska diiwaan-geliyaan Wasaaradda Warfaafinta kahor 15-ka bisha soo socota ee October.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay  in aan suxufi loo aqoonsan doonin qofkii aan is diiwaa-gelin wakhtigaasi kahor, islamarkaana tilaabo laga qaadi doono.

Waxaa uu sidoo kale  amray in ay is diiwaan-geliyaan dhammaan xarumaha Warbaahineed ee ka hawlgala degaannada Puntland si loola socdo shaqada ay ka hayaan gudaha Puntland.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Wrfaafinta Puntland ayaa sheegay in is diwaan-galinta kadib  baaritaan lagu samayn doono aqoonta iyo khibradda suxufiyiinta, islamarkaana aqoonsiga lagala noqon doono suxufigii aan haysan xirfad ku filan.