Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Puntland oo gaaray Degaanka Dhumay (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada ee Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gamacdiid iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degaanka Dhumay ee Gobalka Sool.

Waftiga Wasiirka oo ay kamid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Xilbaano katirsan Golaha Wakiilada Dawlada Puntland, ayaa si diiran waxaa ugu soo dhaweeyay Degaanka Dhumay Madaxda Dhaqanka.

Ismaaciil Diiriye Gamaadiid, Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland ayaa sheegay in ay Dhumay uu ka bilaaban doonto dhawaan Mashruuc balaaran oo lagu jarayo Geedka Garanwaaga, kaas oo Dooxooyinkii Dhumayeed xiray .

Sidoo kale, Waxaa la Qorshaynyaa in Dhumay laga dhiso Xarun caafimaad (MCH), taas oo dhismaheedu Bilaaban doono Dhawaan.

Madaxda Dhaqanka Deegaanka Dhumay ee Gobal;ka Sool ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland ku bogaadiyay Talaabooyinka horumarineed Ee ka wado Degmada Taleex iyo Deegaanada Hoos Yimaada.