Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo dib u dhacay

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegay inuu dib uu ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

Munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu waday in 26-ka bishan lagu qabto Magaalada Kismaayo ee xarun KMG ah ee Jubbaland.

Guddigii loo xilsaaray qaban qaabada xafladaas ayaa la sheegay inay dib u dhigeen xilliga xafladdu ay dhaceyso, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin dib u dhaca xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe.

Dib u dhaca ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dambeysay kaddib Xiisado Siyaasadeed oo ka taagan Dalka, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xayiraad saartay Diyaaradaha u safra Magaalada Kismaayo, sidoo kalena shalay xayiraad la saaray diyaarad ka qaadi laheyd Muqdisho Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Caleema Madaxweyne Axmed Madoobe loo dhigay bisha soo socota ee October, iyadoona ay jiraan is-bedelo ku imaanaya tirada Dad la casuumay oo Guddigu kordhin doonaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ah waxa ay kusoo rogtay Magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in mudo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin Kismaayo.