Cududa kooxda Daacish Ee Puntland oo sii xoogaysatay

Muuqaalkan waa sawiro laga soo qaaday kooxda Daacish oo tababar ku qaadanaya Deegaanka Hoobato ee udhaxeeya Qandala iyo iskushuban ee Gobolka Bari Puntland.

Maleeshiyaadka Deegaankan isku urursaday kana samaystay Saldhigyada,ayaa tiro ahaan gaaray ilaa 190-Nin.

Xigihii ugu danbeeyay ee laga helayo Hoobato waxay tilmaamayaan in ay ku jiraan diyaar garow qorshe ay qaraxyo uga fulinayaan Bosaso,gaar ahaan xarumaha hay”adaha caalamiga ah.

Todobaad ka hor askari ka tirsan Booliska ilaalada hay”adaha SPU oo Bosaso ku dilay askari kale oo isla Ciidankaas ka tirsan,ayaa baaris kadib la ogaaday in ay ku lug lahaayeen kooxda Daacish oo ay tashkiiliyiin Askariga dilka gaystay.