Farmaajo oo soo dhaweyn maqaamkeedu hooseeyo kala kulmay New-York

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa goor dhaw  gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Abuukar Baalle.

Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbarasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”