Sirdoonka Itoobiya oo fashiliyay weeraro iyo qaraxyo

Hay’adaha sirdoonka Qaranka Ethiopia ee NISS,ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen kooxo ka tirsan Daacish iyo Alshabaab,kuwaasoo qorshaynayay qaraxyo laga fuliyo gudaha itoobiya.

Xarumaha uqorshaysnaa kooxahan in ay ka fuliyaan qaraxyada iyo weerarada isla socda,ayaa ku kala yaala caasimada Adis-ababa,Kilinka Oromada iyo Kilinka Somalida.

Goobaha ay bar tilmaameedsanayeen,ayaa ahaa,xarumaha lagu dhigo Xafladaha sida Tayaatarka weyn ee Adis-ababa,Kaniisada ugu weyn Itoobiya ee loo yaqaan ”Ma dhalaa alam” iyo Suuqyada Markaato iyo Biyaasa. ee ugu waa weyn xarumaha laga dukaamaysto ee caasimada Adis-ababa.

NISS ma sheegin tirada xubnaha ka tirsan kooxahaas ee la qabtay,waxayse xaqiijisay in lagu xiray magaalada Addis Ababa,Kilinka Oromada iyo Kilinka Somalida.

Jabuti,ayaan kala shaqeynaynaa sidii loosoo qaban lahaa hogaamiyaha kooxahan la qabtay oo ku sugan gudaha dalka Jabuti,ayaa lagu yiri warbixinta NISS.

Itoobiya,ayaa xiligan waxaa ka jira khilaafyo siyaasadeed iyo mid qawmiyadeed oo habacsanaan galiyay hay’adaheedii amaanka