VIDEO: Sheekh Shariif “Farmaajo ma aqbaleyno inuu burbur u horseedo dalka”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in loo baahan yahay in laga wada hadlo halka uu dalkaan ka socdo.

“Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”

Sheekh Shariif ayaa sheegay in sharci darada ay dowladda ku dhaqmeyso ay keeni karto in dalka ay ka dhacaan waxyaabo aan la fili karin, waxaana uu xusay in dadka talada haya ay heystana baasabooro, haddii berri wax dhacaan ay carruurtooda dib ugu laabanayana, balse waxa dhibka ku dhacaya ay yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

“Cid walba oo wax gal ah waxaa qabaa in loo istaago Qarankan sidii loo badbaadin lahaa, maxaa yeelay sharci daradan sida ay u socoto wax aan la maleeysaneyn ayaa dhici kara, dadkaan kuligood baasbaoor ayay heystaan berri waa baxayaan, meeshey rabaan aadayaan, carruurtooda ayay aadayaan, dadka meel ay aadaan laheyn waa dadkaan waa dadkii loo soo shaqeeyay oo loo taagnaa danahooda in la fuliyo wax kale ma ahan warkeyga waa cad yahay dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladda inay burburto kama aqbali karno Maxamed C/llaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato anana magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, anaga dalka waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa dowladda ku socoto waa qaldan tahay, waxaa leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaali ha isu timaado”