Yuusuf Garaad “Hadalka Madaxweyne Sheekh Shariif yaan la Sahashanin”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa ku baaqay in aan la dhayalsan hadalkii kululaa ee maanta ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, kaddib markii shalay diyaarad u qaadi laheyd Kismaayo lagu xanibay Muqdisho.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Shariif uu arko mid dib u dhac horseedi kara oo aan la sahashanin.

“Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. Wax ma dhimi karo dad baa leh. Laakiin ma dooneyo in taas la isla gaaro, Ma ahan in la dheyelsado mana ahan in looga sii daro”ayuu yiri Yuusuf Garaad

Mr. Yuusuf Garaad ayaa ugu baaqay dowladda in iyadoo eegeysa danta guud inay si dhaqso ah u xaliso khilaafkan oo uu xusay in markii horeba laga baaqsan karay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si adag kaga hadlay qaabkii lagula dhaqmay, waxaana uu caddeeyay in hannaanka ay dowladda iminka wax u wado uu yahay mid qaldan oo horseedi kara in dowladda burburto.