Maxaad ka taqaanaa Agaasimaha Cusub ee Sirdoonka Puntland ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA u magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan Jayte.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in isaga oo tixgelinaya Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo uu u magacaabay Mr. Mukhtaar Jayte Agaasimaha Guud ee Hay’adda PISA.

Mr. Jayte ayaa ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland, isagoona lagu tiriyo shaqsiyaadka u dhow Madaxweyne Deni, waxaana magacaabistiisu imaanaysa iyadoo dhowaan Shabakadda Idil News ay baahisay Magacyada isaga iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Guud ee maalmahan uu magacaabayo Madaxweynaha Puntland.

Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ayaa ah nin wax kusoo bartay dalalka Carabta, waxaana dadka yaqaana ay ku tiriyaan nin aragti fog, sidoo kalena afgaaban.

Sidoo kale, Magacaabista Madaxweyne Deni ee Agaasime Jayte ayaa la sheegay inay ku timid wada-tashiyo badan oo Madaxweynuhu kala sameeyay Jenaraaladii Hore ee kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo soo jiidayay in Jayte uu yahay shaqsiga kaliya ee Hoggaamin kara Hay’adda PISA.

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA, oo kaalmaha hore uga jirtay Hay’adaha Sirdoonka ee ugu xooggan Geeska AFRICA ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la sheegay inay hoos u dhacday, waxaana hoos u dhaceeda lagu eedeeyay Agaasimihii Hore ee Hay’adda.

Hay’adda PISA ayaa lagu xasuustaa Fashiladii ay ku sameysay Weeraro kala duwan oo Argagixisadu qorsheynaysa inay ka fuliyaan Gudaha Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu waa weynaayeen Qaraxyo dhowr ah oo lagu fulin lahaa Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.