VIDEO: Xalka Soomaaliya Ma wuxuu ku jiraa nidaamka Cinfadaration ?

Xarunta Hay’adda PDRC ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa xalay lagu qabtay Dood cilmiyeed ku saabsan ‘Xiriirka daciifka ah ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo doorashada 2020/21’, waxaana marti ku ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cabdi Xalane.

Doodada oo aheyd mid Su,aalo lagu weydiinayay Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ku wehlinayay Fagaaraha, waxaana si qoto dheer looga Dooday in la helo xal rasmi ah oo Soomaalidu ku heshiin karto, kaas oo salka u dhigi karana Hanaan Dowladnimo rasmi ah oo Soomaaliya ka hanaqaaday iyo wada-shaqeyn adag oo dhexmarta DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Siyaasiyiintii iyo Aqoonyahanadii ku wehliniyay Dooda, ayaa soo jeediyay in Soomaaliya ay qaadato Nidaamka Cinfadaration ee ay qaateen Dalalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Switzerland, kaas oo ah mid Awood siinaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Dhexe, horseedayana in dalku uu gaaro dhisme Dowladeed oo taaba-gala.