VIDEO: Madaxweyne Deni “Hawada Somaliya ma ahan Dukaan qof lee yahay”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay inuu kamid yahay martida lagu Casuumay Xafladda Caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, uuna Ka qeygali doono.

Madaxweyne Deni oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in xayiraadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saartay  Jubbaland ay tahay sharci-darro, isla markaana  baalmarsan dastuurka dalka iyo awooda uu siinaayo Dowlad Goboleedyada .

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland ayaa tibaaxay in awoodda Dowladda aysan ahayn Dukaan qof leeyahay oo uu siduu doono u maamusho, isla markaana lagula dagaalin ray’igiisa siyaasadeed.