VIDEO: Madaxweyne Farmaajo “Kiiska Badda waa in lagu xaliyo Maxkamadda ICJ”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay hadal ka jeediyay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo khudbadiisa uga hadlay arrimo kala duwan oo siyaasadda, dhaqaalaha, Kiiska Badda ee yaala Maxkamadda ICJ iyo arrimo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor sheegay Qaramada Midoobey in wada hadaladii uu la yeeshay Madaxweynaha Kenya ee uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar ee ku saabsanaa arrimaha muranka Badda aan uusan aheyn mid miro dhal ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa sheegay inay doonayaan in Kiiskaas lagu xaliyo Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, isla markaana balan-qaaday in Soomaaliya ay u hoggaansami doonto Go’aanka Maxkamadda.