VIDEO: Uhuru Kenyatta oo khudbadiisa UN-ka ka sheegay in qaab wada hadal lagu xaliyo muranka Badda

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay fadhiga 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo hadal qaaday muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee dacwadeeda taal Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisa uu sii wadayo dadaalada uu ku bixinayo in dowladda Federaalka Soomaaliya in xal saaxibtinimo ka gaaraan muranka Badda.

Waxaa uu soo dhoweeyay go’aanka 3-dii bishan September ka soo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ee ahaa in labada dhinac wada hadlaan sida uu yiri.

“Sida aan dhammaanteen ognahay, Qaramada Midoobay waxay ahmiyad siineysaa in dariiqa wada hadalku yahay hannaanka ugu wanaagsan ee lagu xalliyo murannada, Sidoo kale heshiiskii shuruucda badda ee Qaramada Midoobay wuxuu tilmaamayaa xadeynta xudduud badeedda ee u dhaxeeya waddamada si saaxiibtinnimo ah”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Uhuru ayaa ku baaqay in iyadoo la raacayo nidaamka Qaramada Midoobey in lagu xaliyo muranka Badda wada hadal, isla markaana uu ku rajo weyn yahay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka go’an tahay raadinta xal waara oo loo helo muranka Badda sida uu yiri.

Madaxweynaha Masar ayaa soo qaban qaabiyay kulan uu isugu keenay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo is afgarad ka dhex dhaliyay labada dhinac oo tan iyo bishii March ee sanadkan aanay is arkin, isla markaana xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid xumaaday.

Galaangalka ay Kenya wado iyo dadaalada diblomaasiyadeed ayaa ah sidii Dacwada taala Maxkamadda ICJ in qaab wada hadal ah loo bedelo, waxaana ay arrimahan u kaashaneysa dalal waa weyn si ay ay cadaadis u saaraan Soomaaliya, isla markaana aanay ugu guuldareysan go’aanka Maxkamadda Caalamiga oo noqon doona mid Soomaaliya guusha siiya, maadaama Kenya ay sheeganeyso dhulka badda ee xiga qeybta Soomaaliya, halkaasoo la rumeysan yahay inuu kheyraad shidaal uu leeyahay.