XOG-WARAN: Gen. Muxyidiin kama baxsan karo dhacdadii Xeebta Boosaaso!!

Mudo hada laga joogo ku dhawaad laba Todobaad saq dhexe habeenimo Ciidan uu amray Muxyidiin oo xiligan ah Talyaha Booliska Puntland waxay kala baxeen Saldhiga Bartamaha Bosaso Nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Ninkaas waxay Ciidankii Muxyidiin geeyeen Xeebta Bosaso,halkaas oo ay jirdil ba”an oo markii danbe sababay geeri ugu gaysteen.

Hadaba talaabadii lagu dilay Ninkaas waxay ka caray siisay Saraakiisha sirdoonka,gaar ahaan PSF.

PSF waxay Ninka ku daba socdeen xogo muhiim ahaa oo fududayn karay in la fashiliyo qaraxyo ama la qabto xubno kale oo ka tirsan kooxda argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale jirdilka sababay geerida waxuu indhahooda soo jeediyay Saxaafada iyo hay”adaha xuquuqda aadamaha ee maxaliga iyo heer caalamiba

Muxyidiin oo ka hor tagaya dacwadaas,ayaa weerar iyo hanjabaad ku ekeeyay Saxaafadii iyo xuquuqul insaankii isku dayo dhawr ahaa oo ka fashilmay shalay,ayuu Maxkamada Ciidamada usoo maray Maxkamadaynta Agaasimaha Radio Daljir oo ahaa kii waraystay Aabaha Ninka jirdilka udhintay.

Isku soo wada duuboo Muxyidiin kama baxsan karo Dacwada Ninka amarkiisa jirdilka ugu naf waayay iyo tuhunka sirdoonka Puntland ay ka qabaan xiriir dhexmaray isaga iyo Alshabaab.