Xuutiyiinta Yemen oo hanjabaad usoo diray Puntland

Hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Yemen oo la hadlayay idaacacdaha Maxaliga ah ee ay gacanta ku hayaan,ayaa sheegay in ay weerari doonaan fariisimida Ciidamada Badda Puntland ee taageerada ka hela Dowlada Imaaraadka Carabta.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Puntland oo aan wax ka waydiiyay sida ay u arkaan hanjabaada Xuutiyiinta waxay ii sheegeen in aysan biciidsanayn lana socdaan hanjabaadaas heegan buuxana ay ku jiraan.

Xuutiyiinta,ayaa dagaal kula jira isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dalka Yemen,kaasoo ay qayb ka tahay Dowlada Imaaraadka Carabta.