DFS oo War kasoo saartay baadi-goobka Kenya ee Ciise Tarabuun (War-saxaafadeed)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sheegtay in Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi (Ciise Tarabuun), oo ahaa Madaxa Amniyaatka Al-Shabaab ee Gobalka Banaadir uu dhameystay xukun xabsi ah oo lagu riday.

Waraaqda kasoo baxday DFS ayaa timid kaddib markii Sirdoonka Dowladda Kenya ay shaaciyeen in Mr. Tarabuun uu soo galay dalkeeda ayna baadi-goobayaan.