Faallo: Maxaa ka dhalan kara Warka kasoo baxay DFS ee sii deyntii Ciise Tarabuun ?

Turaabi in uu yahay Qof udhashay Somaliya waa wax jira,balse in uu ahaa argagixiso waliba masuul sare oo hogaaminayay mid ka mid ah Maleeshiyada ugu khatarta badan kooxda Alshabaab,ayaa cad.

Dowlada haysata aqoonsiga Qaramada midoobey ee fadhigeedu yahay Villa Somaliya saw kusoo noqon mahayo qoraalkan qirashada ah marka uu fuliyo Ciise Tarabuun Qaraxyo iyo dilal.

Sidoo kale,waxaa iswaydiin mudan see loogu dhex siidaayay Bulshada shaqsi khatartiisu heerkaas gaarsiisan tahay oo waliba loogu ogolaaday in uu safro.

Warka kasoo baxay Dowlada Villa Somaliya waxuu sii xoojinayaa tuhunkii horay ujiray ee sheegayay in laamaha amaanka ay saamayn xoog badan ku yeesheen kooxaha argagixisada ah.

Si gaar ah waxaa loo tilmaamayaa in Fahad Yaasiin wada shaqayn durugsan uu la leeyahay kooxahaaas khatarta leh.

Tuhunka ugu weyn ee hada jiraa,waa in Tarabuun loogu diray hawlgalo dalka Kenya.