Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada rayidka ah (Sawirro)

Guddiga KMG ah doorashooyinka Dowladda Puntland ayaa maanta shir kula qaatay xarunta PDRC qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka ah.

‪Kulankan oo qayb ka ah shirar wadatashi xiriir ah oo guddigu waday ayaa diirada lagu saaray qaabka lagu gaari karo hannaanka axsaabta badan, fahamka bulshada ee barnaamijkan iyo talooyinka ku aadan sidii looga gudbi lahaa caqabadihii hore.

Shirkan intii uu socday waxaa la isku weydaarsaday afkaaro kala duwan, waxaana guddigu kasoo qaybgalayaasha shirka usoo bandhigay dedaalada ay wadaan iyo faaiidada hannaankan u leeyahay mujtamaca.

Kulamada wadatashiga ah ayaa socon doonaa ilaa horaanta bisha soo socota.