Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya oo ku kulmay Muqdisho

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygiisa  ku booqdeen Madaxweynihi hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Kulanka Madaxweyneyaasha ayaa waxaa looga hadlay Xaaladda Guud ee xilligan uu  dalka marayo iyo xayiraadii la saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo, si uu kaga qeyb galo caleema saarka Madaxeynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe).

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Saddexdan Madaxweyne ay kasoo jeedaan Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka soconayay kulamo looga hadlayo xaalada gud ee dalka iyo xayiraadii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.