VIDEO: Daaweynta Xoolaha Puntland oo si weyn u socota

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan, ayaa bilaabay kormeerka kooxo ku howlan daawaynta xoolaha oo Wasaaraddu dhowaan u dirtay Gobollada kala duwan ee Puntland.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland ayaa kormeerkiisa haatan ku maraya Degaano katirsan Gobalada Bari, Heylan iyo Sanaag, isagoona booqday kooxaha talaalka xoolaha ka wada Degaanka Cowsane ee Degmada Xiingalool ee Gobalka Sanaag iyo Degmada Dhahar ee Gobalka Heyland, waxaana uu warbixin ka dhageystay xoolo dhaqatada iyo Dakhaatiirta ka shaqeynaysa Degaankaas.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan, ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yihiin inay arkaan Shaqada Dakhaatiirtu u wadaan daaweynta xoolaha, isagoona sheegay inay ka go,an tahay xoojinta Tayada Caafimaadka Xoolaha ku nool Degaanada Puntland.