VIDEO: Shir looga hadlayo xoojinta Lamaaha Garsoorka iyo CID-da Puntland oo ka furmay Garoowe

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya iyo Xeer
ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ka qayb-galay kulan Garoowe ka dhacay oo looga hadlay sidii shruucda caalamiga loo waafajin lahaa war-qadda dhaawac muujinta ee loo yaqaan (Riferto).

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay warqada dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha booliiska inay saameyn weyn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo.

Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu geystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Rifeetooyinka, iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo.