Wafti ka socda DDS oo soo gaaray Garoowe (Sawirro)

Wafti heer sare ah oo ka socda Dowlad Degaanka Soomaalida, ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Waftiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud DDS C/fitaax Sheikh Biixi, ayaa waxaa kamid ah, Gudomiyaha Gobalka Doollo C/naasir Muxumed Cabdile iyo Hoggaanka Nabadgalyada DDS Cabdi Caadil, waxaana uu socdaalkoodu ahaa mid aan horey loo shaacin.

Ujeedada socdaalka Waftigan ka socda Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay xoojin xiriirka Labada dhinac, waxaana ay kulan la qaateen Wasiirka Wasaaradda amniga Dowladda Puntland iyo Taliyayaasha Ciidanka Daraawiish-ta iyo Booliska Dowladda Puntland.

Waftigan uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud ee DDS ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan Madaxda sare Dowladda Puntland, gaar ahaan Madaxweyne Deni.

Wixii kasoo Kordha kala soco Idil News.